Luis Suarez Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Champions League.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa kooxda Bayern Munich ku tilmaamay kooxda ugu cad-cad ku guulaysiga champions League xilli ciyaareedkan laakiin sheegay in ayna kooxdiisu ka cabsi qabin kooxda reer Germany.

Kooxda Barcelona iyo Bayern Munich ayaa jimcaha isaga hor iman doona Magaalada Lisbon kulan ka tirsan 8 dhamaadka champions League.

“Kulan kaliya, qof walba fursad ayuu haystaa”ayuu Suarez yidhi.

“Bayern Munich waa koox fiican waana kooxda ug cad-cad ku guulaysiga champions League”.

“Laakiin waan in aanu ciyaarno kulankeena sababta oo ah Barcelona cidna kama cabsi qabto”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*