Luis Suarez Oo Kashifay Sida Uu Lionel Messi Uga Fal Celiyay Markii Uu U Sheegay In Uu Ka Tagayo Barcelona.

Luis Suarez ayaa shaaca ka qaaday inuu la hadlay Lionel Messi ka hor inta uusan go’aansan inuu ka tago Barcelona kuna biiro Atletico Madrid iyada oo uu xiddiga reer Argentine mid la yaab leh ku tilmaamay in uu Luis Suarez ku biirayo koox la xafiiltanta horyaalka.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa si deg-deg ah Suarez ugu sheegay in uuna ku jirin qorshihiisa waliba raadsado koox cusub.

Xiddiga reer Uruguay ayaa lala xidhiidhinayay kooxda Juventus laakiin waxa uu doortay in uu sii joogo Spain isaga oo ku biiray kooxda Atletico Madrid.

Isaga oo ka hadlaya shir jaraa’id ayuu Suarez yidhi”Leo wuu ogyahay waxa aan ka fikirayo aniguna waan ogahay waxa uu ka fikirayo, waxa aan isa siinaa talooyin”.

“Leo wuu yaabah markii aan u sheegay in aan ku biirayo Atletico Madrid sababta oo ah waa koox si toos ah ula xafiiltanta Barcelona laakiin arintaas waxba kama badalayso xidhiidhkeena, horayba Leo waxa aan kaga hor imid xulka qaranka sidaas darteed arintan waxba kama badalayso xidhiidhkeena”.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*