Luis Suarez Oo Kashifay Qaabkii Uu Ronald Koeman Ugu Sheegay In Uuna Ka Mid Ahayn Qorshihiisa Barcelona.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa sheegay in uu tababaraha Barcelona ee Ronaldo Koeman kaliya 40 il bidhiqsi oo waliba Telefoonka ah ugu sheegay in uuna ka mid ahayn qorshihiisa kooxda Barcelona.

Xiddiga 34 jirka ah ayaa ka aarsaday Koeman kadib markii uu gool ka dhaliyay Todobaadkii hore kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga waliba ku dabaal dagay qaab Telefoon uu ku hadalayo.

“Koeman waxa uu iga soo wacay Telefoonka si uu iigu sheego in aanan ka mid ahayn qorshihiisa waxana uu ila hadlay kaliya 40 il bidhiqsi, ma ahan qaab loo macasalaameeyo Halyeey”ayuu suarez yidhi.

“Markii hore waxa uu ii sheegay in aanan ka mid ahayn qorshihiisa, kadib waxa uu ii sheegay hadii aanan xalin arinta ku saabsan mustaqbalkayga in aanan ciyaari doonin kulanka Villarreal”ayuu sii raaciyay.

Xiddiga reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa ku biiray kooxda Atletico Madrid isaga oo kooxdaas kula guulaystay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*