Luis Suarez Oo Kashifay Doorkii Uu Lionel Messi Ka Qaatay Ka Tagistiisii Barcelona.

Luis Suarez ayaa rumaysan in xidhiidhkii fiicnaa ee uu La lahaa Lionel Messi in ay sabab u tahay go’aankii ay Barcelona kaga iibisay Atletico Madrid suuqii xagaaga.

Atletico Madrid ayaa kaliya 6 milyan oo euro kula soo saxiixatay Suarez kadib markii ay Barcelona si cad u sheegtay in uuna xiddigu mustaqbal ku lahayn Camp Nou.

Lixdii sano ee uu joogay Suarez ayaa kooxda Barceolona kula guulaystay 4 hoyraal iyo waliba champions League.

Suarez ayaa sidoo kale xidhiidh fiican la sameeyay Lionel Messi garoonka gdihiisa iyo dibadisaba xiddiga 33 jirka ah ayaana dareensan in ay arintaas sabab u ahayd in ay Barcelona iska dirto.

“Waxan u malaynayaa in ay doonayeen inay iga kexeeyaan Messi agtiisa”ayuu Suarez u sheegay ESPN.

“Maxa way ka xanaajisay in aan leenahay xidhiidh fiican oo saaxiibtinimo, waxa laga yaabaa in ayna doonayn in aan isla joogno kooxda”.

Sii Akhriso: Madaxweynah Somaliland Oo Si Adag Uga Hadlay Golaha Wakiilada Ee 15-ka Sano Xilka Ka Haya Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*