Luis Suarez Oo Isku Qoray Taariikha Barcelona Kadib Goolkii Villarreal.

Xiddiga Luiz Suarez ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kala soo laabtay dhaawacii isaga oo laba gool dhaliyay kulankii Celta Vigo ka hor inta uuna gool dhalin kulankii ay Barcelona guusha ka gaadhay Xalay kooxda Villarreal.

Goolashaas ayaa la macno ah in xiddiga 33 jirka ah haatan ka mid yahay xiddigaha ugu goolasha badan taariikhda kooxda isaga oo la goolal ah Halyeeyga Laszlo Kubala isaga oo dhaliyay 194.

Xiddigii hore ee Barcelona ee Laszlo Kubala ayaa u baahday 11 xilli ciyaareed si uu u dhaliyo goolashaas laakiin Suarez ayaa kaliya u baahday 6 xilli ciyaareedkan.

Suarez ayaa haatan isha ku haya in uu soo qabto Cesar Rodriguez kaas oo dhaliyay 230 gool laakiin Lionel Messi ayaa ka horeeya isaga oo dhaliyay 629 gool.

Xiddiga reer Uruguay ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 14 gool iyo 3 gool oo champions League waxana uu sidoo kale caawiye ka noqday 8 kale horyaalka La Liga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*