Luis Suarez Oo Diyaar U Ah In Uu Ku Laabto Liverpool Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez Ayaa albaabka u furay ku soo laabasahda premier League iyo kooxda Liverpool laakiin ku xidhay hal shardi oo ah in ay kooxda Liverpool marka hore dalab ka gudbiso saxiixiisa.

Xiddiag 34 jirka ah ayaa qaab ciyaareed fiican ku qaatay Anfield isaga oo ku dhaliyay 82 gool 133 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan.

Suarez ayaa xilli ciyaareedkii hore Atletico Madrid kula guulaystay horyaalka La Liga isaga oo dhaliyay 31 gool 32 kulan oo uu ciyaaray horyaalka La Liga.

Luis Suarez oo waraysi siiyay shabakada World Soccer Magazine ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay kooxda Liverpool laakiin diyaar u yahay in uu ku biiro Liverpool hadii ay kooxdu dalab miiska u saarto.

“In aan u ciyaaro koox aan liverpool ahayn premier League waa mid igu adag”ayuu suarez yidhi.

“Wali waxa aan xidhiidh fiican la leeyahay taageerayaasha Liverpool waxana ay noqon doontaa mid la yaab leh in aan u ciyaaro koox kale”.

“Waxa ay noqon lahayd mid khaas ii ah in aan Liverpool kula guulaysto horyaalka laakiin waan ku faraxsanahay in ay kooxdu haatan ku guulaystay”.

“Waxa ay haatan u muuqdaan koox tartami doonta sanadaha soo socda waxana ay ku soo laabteen meeshii ay u qalmeen”.

“Haatan waxa aan ku faraxsanahay kuna raaxaysanayaa Spain mana doonayo in aan ka fikiro laakiin hadii ay Liverpool miiska ii saarto dalab waan ku laaban doonaa”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*