Luis Suarez Oo Caga-Juglayn U Diray Barcelona Ka Hor Kulankooda.

Xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa digniin u diray kooxdiisii hore ee Barcelona ka hor kulankooda adag ee ay isgaa hor iman doonaan.

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa wada ciyaari doona bishan haatan lagu jiro gaar ahaan 21 bishan November ee haatan lagu jiro.

Suarez ayaa isaga tagay kooxda Barcelona suuqii xagaaga waxana uu xiddigu fariin u diray kooxdiisii hore ka hor kulankooda.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Hadii aan gool ka dhaliyo Barcelona ma dabaal dagi doono sabab la xidhiidhi Ixtiraam aan u hayo saaxiibadaydii hore iyo kooxda laakiin wax walba waxa aan u soo bandhigi doonaa si aan kooxdayda haatan uga caawiyo in ay garaacdo Barcelona”.

“Waxa aan difaaci doonaa maaliyada Barcelona ilaa dhimashada wax walba waan u samayn doonaa in aan guulo ku hogaamiyo”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble Oo Magacaabay Guddida Doorashooyinka Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*