Louis van Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Erik Ten Hag Ee Man United.

Tababarihii hore ee Man United Louis van Gaal ayaa aaminsan in Erik ten Hag uu u qalmo waqti dheeri ah isla markaana uu ii ahaado tababaraha kooxda xilli Ciyaareedka dambe

Isagoo la hadlayay Sky Sports ayuu yidhi”Waxa uu u baahanyaha in wakhti la siiyo laakiin aniguba sidoo kale waxa aan u baahnaa wakhti, anigu kooxda waxa aan ku hogaamiyay FA Cup ayna man United 20 sano ku guulaysan”.

“Erik waxa uu kooxda kula guulaystay FA Cup-ka sidoo kale sanadkii ugu horeeyay waxa uu u soo saaray champions League, uma malaynayo in ay tahay in shaqada laga caydhiyo laakiin sidoo kale waan dhaleecayn karaa sababta oo ah shaqo fiican ma uusan qaban”.

Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ku jirto marxaladihii ugu dambeeyay ee dib u eegista xilli ciyaareedka.

Maamulka Man United ayaa qiimaynta kadib qaadan doonta go’aan ay ku caydhinayaan ama hadii ay sii haysanayaan”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga