Mbappe Oo Si Maldahan U Xaqiijiyay Kooxda Uu Ku Biirayo Xagaaga.

Xiddiga reer France ee Kylian Mbappe iibsaday guri qiimihiisu yahay 15 milyan oo euro oo ku taala Madrid.

Xiddiga reer France ayaa la filayaa in uu ku biro Real Madrid kadib markii uu xaqiijiyay in uu ka tagayo kooxda PSG dhamaadkii xilli ciyaareedka.

Sida laga soo xigtay La Razon, Mbappe ayaa iibsaday guri u yaala La Moraleja oo ah meeshii uu David Beckham ku noolaa markii uu joogay Real Madrid.

La Razon ayaa sheegtay in uuna Mbappe wali si Rasmi ah ugu dhawaaqin halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka mbe.

Inkasta oo uuna shaacin hadaan Waxa iska cad in uu xiddiga reer France ku biiri doono kooxda Real Madrid xagaagan.

Mbappe ayaa la filayaa in uu ka mid noqdo xiddigaha ugu mushaharka badan marka uu si Rasmi ah ugu biro Los Blancos.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga