“London Waa Gurigayga, Arsenal Waa Kooxdayda”Buyako Saka Oo Ka Fal Celiyay Markii Uu Arsenal Qalinka Ugu Duugay Heshiiska Cusub.

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay heshiis wakhti dheer ah ka saxiixatay xiddiga da’yarka ah ee kooxdeeda ee Buyako Saka.

Xiddiga 18 jirka ah ee ka soo baxay Akademiyada Arsenal ayaa qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah kadib markii uu xiddig muhiim ah ka noqday Emirates.

Arsenal ayaa heshiiskan cusub ee ay ka saxiixatay xiddiga Buyako Saka Albaabka kaga xidhatay kooxaha Man United Iyo Liverpool kuwaas oo ku wareegayay xiddiga da’yarka ah.

Kadib markii uu qalinka ku duugay heshiiska cusub Saka ayaa bogiisa Twitter-ka soo dhigay”London waa Gurigayga, Arsenal waa kooxdayda, waana ku faraxsanahay in aan heshiis cusub u saxiixay kooxda Arsenal”.

“Waan Jecelahay in aan u ciyaaro kooxdan waxana aan sugi doonaa waxa uu mustaqbalka ii hayo, shaqadu way sii socon doontaa waxana aan ku sii noolaan doonaa riyada”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*