Liverpool Waxa Ay Qabatay Wax Ayna Man City Qaban Lahayn.

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa sheegay in ayna Liverpool helin Amaan ku filan oo ah in ay wali ku jirto tartanka horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayay dhaawacyo dileen xilli ciyaareedkan iyaga oo bilaa daafac dhexe ku ciyaari doona kulanka West Ham ee premier League.

Xiddigaha Virgil Van Dijk iyo Joe Gomez ayaa ku maqan dhaawac wakhti fog ah halka Fabinho seegay kulankii Tottenham Sidoo kale Joem Matip ku dhaawacmay kulankii Tottenham.

Inkasta oo ay ku jirto xaaladaas hadana Liverpool ayaan wali ka bixin tartanka loogu jiro ku guulaysiga horyaalka premier League kadib guushii Tottenham.

Paul Merson oo la hadlaya Sky Sport ayaa yidhi in ayna jirin koox kale oo premier League ah oo u adkaysan lahayd xaalada ay Liverpool ku jirto walina u tartami lahayd horyaalka.

“Waxan u malaynayaa in ay ku soo laabteen ku guulaysiga horyaalka, waa koox fiican, waxana ay haystaan xiddigo badan oo fiican”.

“Waxa ay daafaca dhexe ka ciyaarsiiyeen 20 xiddig oo kala duwan walina waxa ay ku jiraan tartanka ku guulaysiga horyaalka”.

“Ma jirto koox kale oo u adkaysan lahayd xaalada ay Liverpool ku jirto”ayuu sii raaciyay.

“Hadii ay Man City ku jiri lahayd xaalada Liverpool ku jirto mar hore ayay ka hadhi lahayd tartanka loogu jiro horyaalka premir League”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*