Liverpool Waxa Ay Fiicantahay Marka Uu Mohamed Salah Ka Maqan Yahay, Mar Kale Ayayna Cadaatay.

Goolhayihii hore ee kooxda Liverpool ee David James ayaa sheegay in ay kooxda Liverpool si fiican u ciyaartay Kulankii Anfield ee Leicester City inkasta oo uu ka maqnaa xiddiga Mohamed Salah.

David James ayaa aaminsan in ay Liverpool tahay koox fiican la’aanta Mohamed Salah waliba u sheegay in uu isaga tago kooxda hadii uu doonayo.

Mohamed Salah ayaa markii ugu horaysay Liverpool ka maqnaa sabab la xidhiidha xanuunka korona tan ilaa Semi-final-kii champions League sanadkii hore markaas oo ay Liverpool 4/0 ku garaacday Barcelona.

Mohamed Salah ayaa seegay kulankii ay Liverpool guusha ka gaadhay Leicester City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League sabab la xidhiidha in laga helay xanuunka Korona.

David James oo la hadlaya Goal ayaa yidhi”Waxa aan aaminsanahay in ay Liverpool iska iibiso Mohamed Salah lacag fiicana ka hesho hadii uu dalab u yimaado”.

“Waan ogahay in ayna arintu mid fudud ahayn marka loo eego in uu Mohamed Salah si joogto ah goolal u dhaliyo waliba kooxdu u baahantahay sidaas oo kale”.

“Laakiin uma malaynayo in ay Liverool u baahantahay Salah, waxa booskiisa buuxin kara Diogo Jota sidoo kale waxa kaydka fadhiya Origi iyo Minamino waxana ciyaarayay xiddigaha Mane iyo Firmino”.

“Sidaas Liverpool waxba uma noqonayso La’aanta Mohamed Salah”.

“Waan ogahay in uu Mohamed Salah ka mid yahay xiddigaha ugu fiican Premeier League laakiin aniga ahaan Liverpool waxa ay fiicantahay marka uu ka maqan yahay waxana mar kale cadaatay kulankii Leicester City”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*