Liverpool Vs Man United: Rikoodhka Labada Kooxood Ee 5-tii Kulan Ee Ugu Dambeeyay Ee Ay Kulmeen FA Cup-ka.

Kooxaha sida weyn ugu xafiiltama England uguna magaca weyn dalkaas ayaa isaga hor iman doona kulan FA Cup ah oo ka tirsan wareega 4-aad ee tartanka.

Labada kooxood ayaa ah kuwo aad u xafiiltama waliba ah kuwa ugu koobabka badan kubada cagta England waxana ay isaga hor iman doonaan kulanka ugu da’da weyn kubada cagta ee FA Cup.

Kooxda Man United ayaa gacanta sare leh kulamada FA Cup-ka ee ay la ciyaareen kooxaha Liverpool marka dib loo raaco taariikhda gaar ahaan kulamadii ugu dambeeyay.

28 bishii January sanadkii 2012 ayaa ah markii ugu dambaysay ee ay labada kooxood ku kulmaan wareega 4-aad ee tartanka FA Cup-ka.

Shantii kulan ee ugu dambaysay kooxda Man United ayaa badisay 3 kulan halka ay Liverpool badisay 2 kulan tartanka FA Cup-ka.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay labada kooxood kulmeen waxa guushu raacday kooxda Liverpool kuwaas oo ku badiyay 2/1.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Gabadheey Hadii Uu Ninku Kuu Sameeyo 6-dan Arin Ha Sii Dayn, Waa Kii Nolosha Kula Wadaagi Lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*