Liverpool Vs Arsenal: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Ka Hor Kulankooda Isniinta.

Kooxaha Liverpool & Arsenal ayaa isaga hor iman doona Anfield kulan adag oo ka tirsan todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League.

Labada kooxood ayaa si cajiib ah ku bilowday xilli ciyaareedka iyaga oo guulo gaadhay labadii kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen.

Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona kulankii 2-aad kadib markii ay Community Shield Isaga hor yimaadeen bishii hore markaas oo ay Gunners rikoodhayaal ku qaaday koobka.

Arsenal ayaa sidoo kale garaacday Liverpool dhamaadkii xili ciyaareedkii hore laakiin kooxda Jurgen Klopp ayaa 3/1 ku badisay kulankii ugu dambeeyay ee ay Arsenal booqatay Anfield.

Kulanka ayay isaga hor iman doonaan qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican premier League iyo adduunkaba iyada oo labada kooxoodba ku hubaysanyihiin xiddigo heer caalami ah.

Hadaba wargayska Sports Mole ayaa soo xushay shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood iyaga oo adeegsanaya kaliya xiddigaha taamka u ah kulanka.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh 10 xiddig halka ay Arsenal kaliya ku leedahay hal xiddig oo kaliya taas oo la yaab noqotay.

Combined XI: LIV vs. ARS

4 Comments

  1. aniga oo aan u hadlay taageero labada koox ah mida sidan waa sax waayo xiddigaha meesha ku jidha ma jidho mid laga soo hor madhin kadho wayo arsenal waa laga xiddigo wanaagsan yhy.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*