Liverpool Vs Arsenal? 5-ta Kulan Ee Ay Labada kooxood Ciyaari Doonaan, kooxdee Kulamo Adag?

Liverpool ayaa sii wada hogaaminta premier league iyada oo badisay kulankii Ipswich.

Arsenal ayaa dhinscooda sii wada baacsiga Liverpool iyaga oo Guul dirqi ah ka Gaadhay kooxda Wolves.

Labada kooxood ayaa ilaa haatan u muuqda kuwa ku tartamaya premier league.

Labada kooxood ayaa ciyaari doona 5 kulan oo muhiim ah iyada oo labada kooxood ku kala bixi karaan Todobaadyada soo socda.

Kooxda Liverpool ayaa la ciyaari doonta kooxaha Bournemouth, Everton, Wolves, Man City, Newcastle United iyada oo ka Hor Tagi doonta 3 kooxood oo ku jira 10-ka boos ee Ugu sareey iyo Laba Kooxood Oo Ku jira kaalmaha kale.

Dhinaca kale Arsenal ayaa la ciyaari doonta kooxaha Man City, Leicester city, West Ham, Nottingham Forest iyo Man United.

Arsenal ayaa ciyaaraysa kulamo adag marka loo Bar-baro dhigo kooxda Liverpool

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga