Liverpool Uma Baahna Thiago Alcantara, Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool Dietmar Hamann ayaa sheegay in ayna kooxda Liverpool u baahnayn xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara.

Thiago ayaa kaliya 6 kulan u ciyaaray Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda isaga oo 3 kulan ku bilowday waliba qaab ciyaareed fiican soo bandhigay kulankii ugu dambeeyay ee ay Liverpool bar-baraha la gashay Man United.

“Thiago waxa uu hoos u dhigaya ciyaartaLiverpool, run ahaantii uma ciyaaro sida ay Liverpool u ciyaart, Liverpool waxa ay ahayd koox orod ku ciyaarta laakiin Thiago ma ahan xiddig u ciyaari kara sidaas”ayuu Hamann u sheegay Liverpool Echo.

“Cid walba way ku faraxsanayn markii uu Thiago yimid Liverpool laakiin waxa uu kooxda u ciyaaray kulamo adag, waxa uu badal ku soo galay kulankii chelsea waxana uu ciyaaray baasaska ugu badan qaybtii dambe laakiin chelsea 10 xiddig ayay ku ciyaaraysay”.

“Waxa aan kuu sheegi karaa in uu yahay xiddig fiican oo xirfad leh laakiin markii uu Bayern Munich joogay si joogto ah uguma ciyaari jirin”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*