Liverpool, Real Madrid, Man United Mise Man City? Kylian Mbappe Oo Haatanba PSG U Sheegay Kooxda Uu Ku Biiri Doono.

Kylian Mbappe ayaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay PSG inuu kaliya doonayo inuu ku biiro Real Madrid xagaaga soo aadan.

Xiddiga reer France ayaa laga yaabaa in uu isaga tagi doono kooxda PSG marka loo eego in uu heshiisku dhici doono sanadka 2021.

PSG ayaa u diyaar garoobaysa dagaal ay u gasho haysashada xiddiga xilli uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda iyada oo ay kooxo badan isku dagaalayaan saxiixiisa.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa horay u amaanay qaab ciyaareedka Liverpool xilli ay kooxaha Man City iyo Man United bartilmaameed ka dhigeen xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay City xitaa diyaar u tahay saxiixa Mbappe halkii ay la soo saxiixan lahaayeen xiddiga Lionel Messi.

Si kastaba ha noqotee, sida uu sheegayo saxafiga Josep Pedrerol, Mbappe ayaa mar hore u sheegay PSG inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Madrid.

Pedrelol ayaa u sharaxay El Chiringuito TV sida Mbappe uu ugu riyoodo ku ciyaarista maaliyada cad ee Madrid isaga oo aaminsan in ku biiristiisa Real Madrid in ay dar-dar galinaysa hamigiisa ku aadan ku guuleysiga Ballon d’Or.

Arinta kale ee furaha u ah go, aanka Mbappe ayaa ah joogitaanka xiddigaha badan ee reer France ee u ciyaara kooxda Real Madrid iyo waliba tababare Zidane oo uu xiddigu aad u qadariyo.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*