Liverpool, PSG, Inter, Milan & Kooxaha Ay Real Madrid Ku Aadi karto Wareega 16-ka Champions League.

Waxa maanta la samayn doonaa isku aadka wareega 16-ka tartanka champions League oo kooxaha ku hadhay tartanka rajaynayaan isku aad fiican

Real Madrid ayaa ku dhamaystay kaalinta 1-aad ee wareega Group-yada waxana ay ka badbaaday in ay ku aado kooxaha waaweyn ee ku dhamaystay kaalinta 1-aad ee Group-yada.

Laakiin sidoo kale Real Madrid ayaa ku aadi karta kooxo waaweyn wareega 16-ka maadama ay kooxo waaweyn ku dhamaysteen kaalinta 2-aad ee wareega Group-yada.

Real Madird ayaan ku aadi karin kooxda Leipzig oo ay isku Group ahaayeen intii uu socday kulamadii wareega Group-yada ee tartanka champions League.

Wixii intaas ka dambeeya Real madrid ayaa ku aadi karta koox kasta oo ku dhamaystay kaalinta 2-aad maadama ayna ku jirin kooxo reer Spain ah wareegan.

Sidaas darteed Real Madrid ayaa ku aadi karta kooxo magac leh oo ay ka mid yihiin PSG, Ac Milan, Inter ama Liverpool.

Los Blancos ayaa ku aadi karta kooxaha Liverpool, Club Bruges, Inter Milan, Eintracht Frankfurt, Milan, Leipzig, Dortmund, PSG