Liverpool Oo Xariir La Sameeysay Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Qaranka Italy

Lverpool ayaa dadaal ku bixineysa in xagaagaan xiddig wax ku ool ah kooxda keenaan xilli dhowr ciyaartooy ay la sameeyeen xariir .

Haatan , raadaarka Reds waxaa soo ku soo dhacay Federico Chiesa oo u ciyaara kooxda Juventus waliba heer ciyaareed wacan la soo bandhigaya Italy oo haatan finalka Euro 2020 ku wajaheysa Ingiriiska

Shabakada Clacio Mercato ayaa qoreysa in Liverpool muujiyeen rabitaan ku aadan Federico Chiesa waliba xariir ay la sameeyeen Juve oo ay weydiiyeen in laacibka xagaagaan la heli karo.

Waxa ay kooxda.com xuseysaa in Liverpool ay Federico Chiesa baadi goobayeen waqtigii uu joogay Fiorentina balse Juve ayuu ugu yimid amaah  laba xilli ciyaaree ah

Juve waxa ay haystaan qodob xusaya in ay xagaaga 2022-ka ay Fiorentina uga iibsan karaan aduun dhan 40 milyan oo euro

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*