Liverpool Oo Xaqiijisay Lambarka Uu Ozan Kabak U Xidhan Doono Kooxda.

Liverpool ayaa daafaca Ozan Kabak ka dhigtay saxiixeediia 2-aad ee maalintii ugu dambaysay suuqa kala iibsiga iyaga oo kala soo wareegay kooxda Schalke.

Kabak ayaa Liverpool ugu soo biiray heshiis amaah ah oo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan ah ka hor inta ayna Reds si toos ah ula wareegin.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa todobaadka dambe u soo duuli doona Liverpool si u dhamaystiro heshiska uu ugu biirayo kooxda Reds,

Kooxda Liverpool ayaa Ozan ka dhigta saxiixeedii 2-aad ee maalintii shalay ahayd ee ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga kadib saxiixii Ben Davies.

Liverpool ayaa sidoo kale xaqiijisay in uu Ozan Kabak u xidhan doono kooxda Lambarka No.19 marka uu kooxda u ciyaarayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*