Liverpool Oo Xaqiijisay In Uu Qaliin Maray Kabtankeeda Jordan Henderson, Imisa Ayuu Garoomada Ka Maqnaan Doonaa.

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in xiddiga Jordan Henderson Maray Qaliin looga sameeyay sarcanta kadib dhaawac ka soo gaadhay kulankii Everton.

Jordan Henderson ayaa dhaawac uga baxay qaybtii hore ee kulankii Everton waxana haatan la xaqiijiyay in uu xiddigu saaka maray qaliin sarcanta ah.

Liverpool ayaan xaqiijin mudada uu xiddiga Jordan Henderson ku soo laaban doono garoomada kadib qaliinkiisa laakiin waxa ay kooxdu filaysaa in uu xididgu ka maqnaado garoomada ilaa fasaxa xulalka ee bisha March.

Dhanka kale waxa jira warar sheegaya in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono 6 ilaa 8 bilood kadib markii lagu sameeyay qaliinka.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Jurgen Klopp marka loo eego in ay kooxdu haatanba dhaawacyo badan ka cabanayso.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*