Liverpool Oo Warn Ka Heshay Xaalada Xiddig Muhiim Ah Ka Hor Kulanka Arsenal.

Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa la filayaa inuusan heli doonin Hugo Ekitike kulanka Premier League ee ay Khamiista la ciyaarayaan Arsenal.

Ekitike ayaa la tacaalaya dhibaato muruqa ah, wuxuuna ka maqnaa kulankii ay Liverpool 2-2 la galeen Fulham dhammaadkii toddobaadkii hore.

Ciyaaryahanka reer Faransiis ayaa haatan shaki weyn laga qabaa inuu ka qeyb galo kulanka culus ee ay Liverpool wajahayaan hoggaamiyeyaasha horyaalka.

“weli nala ma uusan tababaran kooxda ilaa hadda – aan aragno haddii uu maanta tababarka ku soo biiro,” ayuu Slot u sheegay warbaahinta Arbacadii.

“Laba maalmood ka hor kulankii Fulham ayaan sheegay inuusan maqnaandoonin waqti dheer, balse maadaama kulamadu si degdeg ah u imanayaan, wuxuu ku jiraa xaalad u dhexeysa inuu kooxda la tababarto ama ay qaadato dhowr maalmood oo dheeraad ah.”

Liverpool ayaa kulanka u galaysa iyagoo 14 dhibcood ka hooseeya Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga