Liverpool Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dhaawac Andy Robertson.

Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada dhaawac ee Xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ee Andy Robertson kaas oo maanta maray baadhitaan kadib dhaawacii soo gaadhay kulankii Axadii.

Xiddiga Andy Robertson ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Liverpool bar-baraha la gashay kooxda Athletic Bilbao ee ka dhacay Anfield kana tirsanaa kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka.

Robertson ayaa ka dhaawacmay kuraanta daqiiqadii 42-aad ee qaybta hore ee ciyaarta taas oo keentay in laga saaro ciyaarta qaybtii dambe kuna bilaaban waayo ciyaarta qaybteedii dambe.

Kadib baadhitaan la sameeyay dhaawaca xiddiga ayaan ahayn sidii markii hore la filayay laakiin xiddiga ayaa seegi doona bilowga xilli ciyaareedka cusub ee horyaalka premier League.

Xiddiga ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo 4 toodbaad ah kadib dhaawacii soo gaadhay ee kuraanta ahaa inkasta oo laga cabsi qabay in uu maqnaado muddo intaas ka badan.

Sii Akhriso: Hadii Aad 12-Kan Calaamad Ka Heshid Fariimaha Qofka Aad Jeceshahay Waxa Ay La Mid Tahay In Uu Qofkaasna Ku Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*