Liverpool Oo War Xun Ka Heshay Mohamed Salah & Sababta Oo La Ogaaday.

Kooxda Liverpool ayaa dagaal adag la gali doonta xulka qaranka Masar kadib markii xiddiga 1-aad ee Reds lagu daray Liiska hordhac ah ee Xiddigaha xulka Masar uga qayb qaadan doona tartanka xagaaga ee ciyaaraha Olympics.

Tababaraha xulka qaranka Masar ee 23 jirada ayaa xaqiijiyay in uu Mohamed Salah ku jiri doono Liiska ciyaaraha Olympics ee ka dhici doona dalka Japan.

Si kasta ha ahaatee xulka qaranka Masar ayaan Liverpool waxba ka waydiin arintaas iyaga oo go’aanka iska qaatay iyada oo ayna Liverpool ogayn.

Arintaas ayaa dhibaato ku noqon doonta kooxda Liverpool maadama tartanka la ciyaari doono xilli ciyaareedka dambe.

Xulka Masar ayaa ka qayb qaadan doona tartanka Olympics inta u dhexaysa 23 bisha July ilaa 8 bisha August taas oo la macno ah in uu Mohamed Salah kulamo badan ka maqnaan doono kooxda.

Sidoo kale waxa ay la macno tahay in uu Mohamed Salah seegi doono isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyo waliba bilowga xili ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*