Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Thiago Alcantara, Maxaa Cusub?

Kooxda liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Everton.

Xiddiga khadka dhexe ee Thiago Alcantara ayaa ku dhaawacmay kulankii Everton kadib markii uu dhawacmay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Wargayska Liverpool Echo ayaa sheegaya in ay Liverpool ku rajo weyntahay in uuna xiddigii hore ee Bayern Munich dhaawaciisu ahayn mid halis ah.

Kadib markii uu dhaawacmay Thiago Alcantara ayaa dhamaystay ciyaarta kulankii Everton ka hor intii uuna Jurgen Klopp u sheegin waxa uu dareemayo.

Laakiin Reds ayaa ku rajo weyn in uuna dhaawaca xiddigu ahayn mid adag waliba ku rajo weyn tahay in uuna xiddigu muddo dheer ka maqnaan doonin garoomada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*