Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Diogo Jota

Taageerayaasha Liverpool ayaa war fiican maqlaya markii ugu horaysay muddo todobaadyo ah o ay mar walba maqlayeen war xun.

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Diogo Jota ayaa maanta si Rasmi ah ugu soo laabtay tababarka kaliga ah ka hor inta uuna ku soo laaban ciyaarista kooxdiisa.

Diogo Jota ayaa muddo 2 bilood ah dhaawac uga maqnaa kooxdiisa kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii ugu dambeeyay wareega Group-yada champions league.

Diogo Jota ayaa maanta si Rasmi ah ugu soo laabtay tababarka kaliga ah waxana uu laba ama 3 maalin kadib si buuxda ugu soo laaban doonaa tababarka buuxa ee kooxda.

Diogo Jota ayaa taam u noqon kara kulanka Todobaadka dambe ee ay Premier League la ciyaari doonaan kooxda Leicester City.

Image

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*