Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Dhaawac Ee Virgil Van Dijk, Maxaa Cusub?

Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada dhaawaca ee daafaca Virgil Van Dijk kadib markii uu daafacu ku soo laabtay tababarka fudud ee kooxdiisa.

Daafaca dhexe ayaa wakhtiga tartan la gali doona si uu taam ugu noqdo in uu mar kale u ciyaaro xilli ciyaareedkan kadib dhaawac halis ah oo ka soo gaadhay bsihii hore.

Kadib markii qaliinka lagu sameeyay Van Dijk 18 bishii October waxa ay kooxdu sheegtay in uu bilaabi doono ka soo kabsashadiisa dhaawaca.

Waxana haatan la xaqiijiyay in uu Daafaca reer Holland ku soo laabtay tababarka fudud isaga oo isku diyaarinaya tababarka caadiga ah.

Warkan ayaa noqonaya mid fiican xilli ay Kooxda Liverpool dhexda uga jirto masiibo dhaawac oo dhanka daafaca ah ah ilaa haatan xilli ciyaareedka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*