Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Dhaawac Ee Kooxdeeda, Xiddig Muhiim Ah Ayaa U Soo Laabtay.

Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada xiddiga Naby Keita kaas oo ku soo laabtay tababarka ka hor kulanka champions League ay la ciyaari doonaan kooxda Fc Porto.

Naby Keita ayaa seegay kulankii ay Liverpool bar-baraha 3/3 ah la gashay kooxda Brentford kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii Norwich City ee Carabao Cup-ka.

Xiddiga reer Guinea ayaa dhaawac ku baxay qaybtii hore kadib markii uu dhulka laagay isaga oo doonaya in uu baas dhiibo.

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa xaqiijiyay in uuna dhaawaca xiddigu ahayn mid halis ah waliba xiddigu ku soo laaban doono tababarka waxana haata xiddiga lagu arkay tababarka ay kooxdu isugu diyaarinayo kulanka champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda Fc Porto.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Liverpool marka la eego in ay dhaawac ku waayeen xiddigaha Harvey Elliott & Thiago Alcantara kuwaas oo maqnaan doona muddo aad u dheer.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*