Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Andy Robertson & Jordan Henderson, Miyay Ciyaari Doonaan Kulanka Leicester City?

Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada dhaawac ee xiddigaha Andy Robertson iyo Jordan Henderson xilli labadoodaba laga saaray xulalkooda kuna soo laabtay kooxda Liverpool.

Liverpool ayaa ku jirta xaalad adag oo ay dhaawacyadu si aad ah ugu badanyihiin waxana xaalka ku sii xumeeyay xiddigaha Andy Robertson & Jordan Henderson kuwaas oo ku dhaawacmay kulamadii xullalkooda.

Laakiin xiddigaha Andy Robertson & Jordan Henderson ayaa taam buuxa u noqon doona kulanka Leicester City ee Todobaadka dambe inkasta oo laga saaray waajibaadla xulalkooda.

Warka ayaa ah mid ka farxinaya taageerayaasha iyo waliba kooxda Liverpool marka loo eego in ay dhaawacyo badan ka soo gaadheen xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Labada xiddig ayaa haatan ku soo laaban doona Liverpool iyaga oo bilaabi doona ka soo kabasashada dhaawaca yar ee ka soo gaadhay xulalkooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*