Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Xaalada Andy Robertson

Liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada Andy Robertson kaas oo ay wararku sheegayaan in uu ka badbaaday dhaawac halis ah kadib markii uu ku dhaawacmay kulankii saaxiibtinimo e Scotland iyo Northern Ireland.

Natiijooyinka baaritaanka canqowga ma muujin wax dhaawac ah oo lafaha ama seedaha ah, daafaca bidix, oo ku dhaawacmay qeybtii hore ee ciyaarta Hampden Park ee Salaasadii ayaa la filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo maalmo yar ah.

Robertson ayaa shaki ku jiraa inuu taam u noqon karo kulanka ay Liverpool gurigeeda kula ciyaari doonto Brighton axada laakiin hadii uu seego kulankaas waa in uu dib ugu soo laabto kulanka khamiista soo socda ee Sheffield United.

Xiddiga daafaca Bixid ka ciyaara ee Andy Robertson ayaa muhiim u ah kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan inkasta oo uu dhaawacyo joogto ah soo gaadheen.

Andy Roberton ayaa ciyaaray kulamo yar ka hor fasaxii xulalka sabab la xidhiidha in uu muddo dhaawac uga mqnaa kooxdiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga