Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka Ka Hor Soo Laabashada Premier League

Kooxda Liverpool ayaa war fiican ka heshay xaalada dhaawac ee daafaca dhexe ee Ibrahima Konate kaas oo ku soo laabanaya tababarka kooxdiisa ka hor soo laabashada kooxaha.

Xiddiga Ibrahima Konate ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin kooxda Liverpool xilli ciyaareedkan kadib markii uu ku dhaawcmay kulamadii isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Laakiin Ibrahima Konate ayaa ku soo laabanaya tababarka kooxdiisa ee buuxa maalmaha yar ee soo socda kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac uu laba bilood uga maqnaa kooxdiisa.

Xiddiga ayaa taam buuxa u noqon doona kulamada kooxdiisu ciyaari doonto kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawacii uu ku seegay bilowgii xilli ciyaareedka.

Warkan ayaa ah mid u fiican Klopp iyo Liverpool maadama xiddiga Ibrahima Konate ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kooxda xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.