Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Tababarka.

Kooxda Liverpool ayaa heshay war fiican ka hor kulanka adag ee champions League ay la ciyaari doonaan kooxda Girona.

Liverpool ayaan ciyaarin kulankii bilowgii todobaadka kadib markii la joojiyay kulankii ay la ciyaarayeen Everton.

Kooxda Liverpool ayaa shaacisay laba xiddig oo muhiim ah oo ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda.

Alisson iyo Diogo Jota ayaa ku soo laabtay tababarka kooxda maanta iyaga oo taam buuxa ka noqday dhaawacii soo gaadhay.

Labada xiddig ayaa la filayaa in ay ka qayb ahaadaan kulanka ay Liverpool champions League la ciyaari doonto kooxda Girona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga