Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Mohamed Salah, Maxaa Cusub?

Warbixin ay soo saartay warbaahinta ayaa daaha ka qaaday in xiriirka Masar uusan u yeeri doonin xiddiga Liverpool Mohamed Salah, inkastoo uu xiddigu codsaday in uu dalkiisa uga qayb galo tartanka ciyaaraha Olombikada ee Paris 2024.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay muran ku saabsan in Mohamed Salah uu ka mid noqon doono xulka Masar uga qeyb galaya ciyaaraha Olombikada Adduunka ee Paris 2024-ka.

Eram News ayaa soo xigtay ilo ka tirsan shaqaalaha farsamada ee kooxda Olombikada Masar in Micali, agaasimaha farsamada ee kooxda, uusan u dooran Mohamed Salah in uu ka qayb noqdo kooxda Olympics.

Warkan ayaa ah mid u fiican Liverpool sabab la xidhiidha in uu xiddigu diyaar u noqon doono bilowga Liverpool ee xilli ciyaareedka cusub.

Liverpool ayaa marar badan Salah ka diiday dalabka ah in uu ka qayb galo ciyaaraha Olympics maadama uu Muhiim u yahay kooxda.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga