Liverpool Oo War fiican Ka Heshay Garoonka Tababarka Ka Hor Kulanka Brighton.

Kooxda Liverpool oo wararka xun ee dhaawacyadu isu soo tarayeen todobaadyadii ugu dambeeyay ayaa war fiican ka heshay tababarka kooxda ka hor kulanka Brighton.

Kooxda Liverpool ayaa dib u heshay kabtankeeda Jordan Henderson kaas oo ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda ka hor kulanka Brighton ee sabtida.

Xiddiga khadka dhexe ee Jordan Henderson ayaa ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa England waxana uu Liverpool ka maqnaa labadii kulan ee ugu dambeeyay.

Laakiin xiddiga reer England ee Jordan Henderson ayaa haatan si Buuxda oo Rasmi ah ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa isaga oo maanta ka qayb qaatay tababarkii ay Liverpool iskugu diyaarinaysay kulanka Brighton.

Sii Akhriso: XASAASI: Al-Shabaab Oo 7 Qof Oo Hal Qoys Ka Tirsan Ku Dilay Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*