Liverpool Oo War Fiican Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto Saxiixa David Alaba

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga kooxda Bayern munich ee David Alaba sabab la xidhiidha mushaharka uu dalbanayo xididgu.

Alaba ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee kooxda Bayern Munich isaga oo iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda taas oo la macno ah in uu si xor ah uga tagi doono kooxda xagaaga.

Liverpool ayaa ah kooxda sida dhabta ah u doonaysa saxiixa xiddiga 28 jirka ah go’aanka ay Barcelona qaadatayna waxa ay ka caawainaysaa in ay hesho xiddiga.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu xiddiga reer Austria dalabanayo mushahar sanadkii dhan 8 milyan oo euro taas oo ah mid ayna Barcelona bixin karin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*