Liverpool Oo War Fiican Heshay Ka Hor Kulanka West Ham, Maxaa Cusub?

Kooxda Liverpool ayaa war fiican heshay ka hor kulanka West Ham sabab la xidhiidha in ayna ka hor tagi doonin xiddiga qaab ciyaareedka fiican ku jira ee Michail Antonio kaas oo dhaawac ku seegi doona kulanka Reds ee Sabtida.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa ku jira qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu goolkiisii 3-aad ka dhaliyay kooxda Man City Sabtidii laakiin waxa uu dhaawac ku baxay bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta kadib markii uu ka dhaawacmay muruqa.

Xiddiga reer England ayaa markii hore la filayay in uu taam u noqon doono kulanka Sabtida ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Liverpool.

Laakiin wargayska talkSPORT ayaa sheegaya in uu dhaawacu ka xun yahay sidii markii hore laga cabsi qabay sidaasna ku seegi doono kulanka Liverpool.

Warkan ayaa ah mid u fiican liverpool marka loo eego in ay Reds ka cabanayso difaac la’aan kadib dhaawacii Fabinho ee soo gaadhay kulankii champions League.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*