Liverpool Oo Wadahalo Horumar Leh Kula Jirta Daafac Cusub Ka Hor Inta Uuna Suuqu Xidhmin.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahalo horumar leh kula jirto kooxda Preston North End si ay u hesho saxiixa daafaca dhexe ee Ben Davies.

Daafacyada Liverpool ayay dhaawacyadu ku bateen xilli ciyaareedkan iyada oo ay haatan dhaawac uga maqan yihiin xiddigaha Virgil van Dijk, Joe Gomez, Fabinho & Joel Matip.

Kooxda Liverpool ayaa saacadihii ugu dambeeyay lala xidhiidhinayay daafacyo badan oo ay ka mid yihiin Issa Diop, Romain Saiss, Shkodran Mustafi Iyo Aaron Long.

Laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Liverpool haatan bartilmaameed ka dhigatay daafaca kooxda Preston North End Ben Davies.

Ben Davies Ayay 6 bilood uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Preston North End waxana ay Kooxdiisu doonaysa kaliya lacag dhan 2 milyan oo euro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*