Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay wax ka weydiisay suurtogalnimada ay ugu dhaqaaqi karto garabka Napoli Khvicha Kvaratskhelia.
Xiddiga reer Georgia oo lala barbar dhigo halyeeygii Argentina Diego Maradona, ayaa noqday mid ka mid ah weeraryahanada ugu fiican Serie A ka dib markii uu Napoli kaga soo biiray Dinamo Batumi xagaagii 2022.
Xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Talyaaniga, Kvaratskhelia wuxuu dhaliyay 12 gool, wuxuuna caawiyay 13 gool 34 kulan oo horyaalka ah si uu uga caawiyo Napoli inay soo afjarto 33 sano oo ay sugaysay Scudetto.
Kvaratskhelia ayaa awoodi waayay in uu Qaab ciyaareedkiisa ku celiyo xilli ciyaareedkii dhamaaday isaga oo ku lug lahaa 19 gool tartamada oo dhan 34 kulan oo uu ciyaaray.
Inkasta oo uu kula jiro Napoli heshiis ilaa 2027 ah mustaqbal Kvaratskhelia ayaa si weyn loo hadal hayaa iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo waaweyn.
Sida laga Soo xigtay Caught Offside, Liverpool ayaa Napoli wax ka waydiisay xaalada xiddiga garabka ka ciyaara.
Wararka ayaa sheegaya in ay Liverpool diyaar u tahay in ay u dhaqaaqdo xiddiga hadii ay cadaato in uu xiddigu ka tagayo kooxda xagaagan.
Be the first to comment