Liverpool Oo Wadahadalo La Furtay Coutinho-ha Cusub.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo Rasmi ah la furtay kooxda reer Italy ee Udinese si ay ula soo saxiixato kubad sameeyaha Rodrigo De Paul inta lagu jiro bishan January.

Kooxda Jurgen Klopp ayaan wali ogolaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum kaas oo isaga tagi kara Anfield dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska odo Fichajes ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool wadahadalo la qaadatay dhigeeda Udinese si ay u hesho saxiixa xiddiga De Paul.

Dalabkii ugu dambeeyay ee Liverpool ayaa la sheegayaa in uu ka hooseeyay lacagta ay Udinese doonayso laakiin ku kalsoon in ay dhawaan dhamaystiri doonto saxiixiisa.

Xiddiga De Paul ayaa lagu qiimeyaa lacag dhan 31 milyan oo euro waxana ay Reds doonaysaa in ay xiddigan ku xoojiso khadka dhexe.

Xiddiga 21 jirka ah ayaa u ciyaara xulka qaranka Argentine waxana uu xilli ciyaareedkan dhaliyay 3 gool iyo 3 caawin horyaalka Serie A-da.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*