Liverpool Oo Wadahadalo Deg-deg Ah La Furtay Goolhaye Cusub Kadib Masiibadii Adrian & Dhaawaca Alisson.

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay Tottenham wadahadalo kala furtay saxiixa Goolhaye Paulo Gazzaniga kadib Qaab ciyaareedkii Liitay ee Adrian ee kulankii Aston Villa.

Goolhayaha 1-aad ee Alisson ayaa filayaa in uu garoomada ka maqnaado muddo 6 todobaad ah kadib dhaawac garabka ah oo soo gaadhay taas oo la macno ah in uu Adrian ku bilaaban doono booskiisa.

Inkasta oo uu Adrian doonayay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo Axadii waxa uu sameeyay khaladaad waali ah isaga oo sabab u ahaa goolal badan oo laga dhaliyay Liverpool kulankii 7/2.

Wargayska The Independent ayaa sheegaya in ay Liverpool wadahadalo Rasmi ah la furtay Tottenham iyaga oo ka doonaya saxiixa Goolhayaha 3-aad ee Paulo Gazzaniga kaas oo ay doonayaan in ay saacado ku dhamaystiraan saxiixiisa.

Paulo Gazzaniga ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin Tottenham isaga oo ka dambeeya Goolhayayaasha Hugo Lloris iyo Joe Hart kuwaas oo ah dookhyada Jose Mourinho.

Sii Akhriso: Dagaal Ay Ugu Yaraan Ku Dhinteen 20 Askari Tiro Kalena Ku Dhaawacantay Ayaa Dhexmaray Ciidamada Soomaali iyo Liibiya & Goobta Uu Dagaalku Ka Dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*