Liverpool Oo Talaabadii Ugu Horaysay U Qaaday Saxiixa Kalidou Koulibaly.

Kooxda liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab Rasmi ah oo dhan 34.2 milyan euro ka gudbisay saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly sida ay sheegaaan wararku.

Jurgen Klopp ayaa Kalidou Koulibaly u arka xiddiga ku haboon ee daafaca kaga garab ciyaari kara xiddiga Virgil Van Dijk marka uu dhaawaca ka soo laabto xilli ciyaareedka dambe.

Daafaca Kalidou Koulibaly ayaa si weyn loola xidhiidhinayay horyaalka premier League sanadihii ugu dambeeyay iyada oo ay xiiso u muujiyeen dhamaan kooxaha waaweyn ee ka ciyaara premier League.

Saxafiga Ian McGarry ayaa sheega in ay Liverpool dalab Rasmi ah miiska u saartay kooxda Napoli si ay u hesho saxiixa daafaca dhexe marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.

Isla saxafiga ayaa sheegaya in ay Liverpool doonayso in ay si deg-deg ah u dhamaystirto saxiixa xiddiga 29 jirka ah si ay meesha uga saarto in ay kooxaha kale kula biiraan tartanka saxiixiisa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Qaab Fudud Oo Aad U Soo Jiidan Kartid Gabadh Adiga Oo Aan Xitaa Hal Kalmad Ah Odhan, Hada Tijaabi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*