Liverpool Oo Suuqa Dhigtay 8 Xiddig Oo Kooxdeeda Ah

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada sideed ka mid ah ciyaartoydeeda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kadib markii ay kooxdu haatanba la soo saxiixatay xiddiga Ibrahima Konate Klopp ayaa haatan diirada saari doona saxiixa xiddig khadka dhexe ah iyo kubad sameeye.

Si kasta ha ahaatee Goal ayaa sheegaysa in ay Reds marka hore iska iibin doonto xiddigo kooxdeeda ah si ay u keento xiddigo cusub.

Liverpool ayaa diyaar u ah inay dhageysato dalabyada Neco Williams iyo Nat Phillips, halka Xherdan Shaqiri iyo Takumi Minamino sidoo kale laga yaabo inay Anfield kaga baxaan qiimaha saxda ah.

Sidoo kale xiddigaha Loris Karius, Marko Grujic iyo Harry Wilson ayaa la ogolyahay in ay isaga tagaan kooxda hadii ay dalabyo sax ah u yimaadaan xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*