Liverpool Oo Sheegay In Ay Baanka U Jabiyaan Harry Kane Suuqa Xagaaga, Sabab.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Stan Collymore ayaa kooxdiisii hore u sheegay in ay baanka u jabiyaan xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Harry Kane suuqa xagaaga hadii ay doonayaan in ay xilli ciyaareedka dambe Man City kula tartamaan horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa kaliya 2 guul gaadhay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka waxana ay haatan 10 dhibcood ka dambaysaa Man City tartanka horyaalka.

Stan Collymore oo la hadlaya Daily Mirror ayaa yidhi”Liverpool waxa ay u baahantahay in ay kacdo, milkiilayaashuna waxa ay u baahanyihiin in ay lacag suuqa galiyaan xagaaga si ay ula tartamaan Man City xilli ciyaareedka dambe”.

“Xagaaga hadii ay Man City la soo saxiixatay Erling Haaand, Liverpool waxa ay u baahantahay in ay la soo saxiixato Harry Kane”.

“Liverpool waa in ay la soo saxiixdaan Harry Hadii ay doonayaan in ay Man City kula tartamaan horyaalka xilli ciyaareedka dambe”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*