Liverpool Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshaha Dabaal-Dega Koobka Premier League Hadii La Dhamaystiro Xilli Ciyaareedka.

Gudoomiyaha kooxda Liverpool Tom Werner ayaa sheegay in kooxdu ay isku dayi doonto inay abaabusho Dabaal-deg ay Koobka Premier League Ugu Soo Wareejinayso maaagalada Liverpool hadii la dhamaystiro xilli ciyaareedka.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa kaliya 2 guul u jirtay ku guulaysiga horyaalka premier League markii ugu horaysay muddo 30 sano ah ka hor intii aan la joojin Xilli ciyaareedka sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Waxa jirta rajo aad u weyn oo laga qaba in dib loo bilaabi doono xilli ciyaareedka laguna dhamaystiri doono garoomo madhan laakiin Werner ayaa sheegay in uu wax walba u samayn doono sidii loo samayn lahaa dabaal dag lagu xuso dadaalka ay xiddiguhu sameeyeen marka ay amaanka tahay arintaas.

Isaga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa jira dhibaato soo wajahday Nolosha dad badan, Kubada cagtuna waa bartamaha noloshooda iyo rajadooda”.

“Gaar aahan Liverpool waxa aan ciyaaraynay ciyaar fiican waxana naga xigay dhawr kulan ku guulaysiga koobka laakiin waxa lagu jiraa xaalad adag”.

Advertisements

“Waxa aan dhamaanteen ku jirnaa xaalad adag, waxa aan rajaynayaa in xanuunka loo helo talaal si aan ugu soo laabano xaalkeenii hore ee daawashada iyo ku raaxaysiga kubada cagta cagta”.

“Waxa aan rajaynayaa in dhawaan taageerayaashu mar kale ku wada raaxaysan doonaan ciyaarta kubada cagta laakiin waxa ay arintaas u muuqataa mid aad u fog haatan”.

Dad boqolaal ah ayaa isugu soo baxay wadooyinka Liverpool markii ay kooxdu u dabaal dagaysay ku guulaysiga koobka champions League xilli ciyaareedkii hore Werner ayaana yidhi”Waxan u malaynayay in aanan marna arkayn arintaas”.

“Hadii aan ku guulaysano Premier League waxa aan dhigi doonaa xaflad soo wareejinta koobka ah waxana aan sugi laayahay in aan ka qayb qaadano arintaas sababta oo ah waxa aan ogahay sida ay muhiimka ugu tahay taageerayaasha”.

Sii Akhriso: Somaliland Oo Xabsiga Ka Sii Daysay Cabdimaalik muuse coldoon

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*