Liverpool Oo Qorshaynaysa In Ay U Dhaqaaqdo Xiddig U Ciyaara Bournemouth Si Ay Ugu Xaliyaan 2 Dhibaato.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo cusboonaysiisay xiisihii ay u qabtay saxiixa daafaca kooxda Bournemouth ee Lloyd Kelly.

Kooxda Anfield ku ciyaarta ayaa doonaysay in ay u dhaqaaqdo daafaca reer England markii uu u ciyaarayay kooxda Bristol Xagaagii hore laakiin Bournemouth ayaa ka hor qaaday kulana wareegtay 13 milyan.

Haatan Bournemouth ayaa u dhaadhacday heerka 2-aad waxana ay kooxda Liverpool isku diyaarinaysaa in ay u dhaqaado saxiixa xiddiga tayada leh.

Xiddiga Lloyd Kelly ayaa ka ciyaari kara daafaca dhexe iyo waliba garabka daafaca bidix waxana uu uga filnaan doonaa badalka Dejan Lovren iyo waliba in uu tartan la galo xiddiga Andy Robertson.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*