Liverpool Oo Qorshaynaysa In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato 4 Xiddig Oo Muhiim U Ah.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddigo ka mid ah kooxdeeda xilli ay isku diyaarinayso in ay xoojiso kooxda xagaaga.

Reds ayaa haatan xaqiiqsatay in ay waayi doonto xiddiga Georginio Wijnaldum suuqa xagaaga marka uu dhco heshiiskiisa kooxda Klopp ayaana doonaya in ayna arintaas oo kale ku dhicin xiddigaha muhiimka u ah kooxdiisa

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay Liverpool qorshaynayso in ay wadahadalo la bilowdo xiddigaha Mohamed Salah, Virgil van Dijk, Fabinho Iyo Goolhaye Alisson Becker si ay heshiis cusub uga saxiixato.

Salah oo 28 ayaa ah xiddiga ugu horeeya ee ay kooxdu doonayso in ay heshiiska cusub ka saxiixato si ay meesha uga saarto wararka la xidhiidhinaya kooxaha Real Madrid iyo Barcelona.

Salah ayuu 2023 dhici doonaa heshiiskiisa kooxdu waxana ay doonayaa in ay heshiis cusub oo wakhti dheer ah ka saxiixato xiddiga reer Masar.

2-da xiddig ee kale oo ay Liverpool la soo saxiixatay sanadkii 2018 ee Van Dijk iyo Fabinho ayuu heshiiskoodu dhici doonaa xagaaga 2023 halka Alisson dhici doono sanad ka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jeclaatay Wiil Baraha Bulshada Aad Iska Barateen, Ma Doonaysaa In Uu Ku Jeclaado Oo Uu Waliba Qalbigiisa Ku Siiyo, 5-tan Wado Raac, Qalbigiisa Ayaad Dagaysaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*