Liverpool Oo Qarka U Saaran Saxiixa Thiago Alcantara

Liverpool ayaa kusii dhowaaneysa inay lasoo saxiixato Thiago Alcantara kaas oo ay kala soo wareegayso kooxda Bayern Munich.

Xiddiga reer Spain ayaa lala xiriiriyay inuu u dhaqaaqayo Anfield xagaagan, iyadoo kooxda Bayern Munich qiratay in uu xiddigu isaga tagi doono kooxda xagaaga.

Wargayska Bild ayaa haatan sheegaya in uu heshiisku ku dhawyahay in la dhamaystiro iyada oo uu Jurgen Klopp si cad u qirtay in uu doonayo in uu xiddiga helo.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool ku dhawdahay in ay Bayern Munich kala heshiiso saxiixa xiddiga isaga oo ay ka bixin doonto lacag dhan 18 milyan oo euro iyo waliba lacago guno ah.

Waxa xusid mudan in ay Liverpool wakhti horeba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga khadka dhexe kaas oo la filayo in uu maalmaha soo socdo noqdo saxiixa ugu horeeya ee Jurgen Klopp.

Sii Akhriso: SHEEKO CUSUB: Maxaa Ka Jira In Ay Somaliland Ka Qayb Qaadanayso Wadahadalada Dhuusamareeb

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*