Liverpool Oo Qarka U Saaran Dhamaystirka Saxiixa Renato Sanches

Liverpool ayaa qarka u saaran inay ku guuleysato tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga qadka dhexe ee Portugal Renato Sanches iyaga oo ku garaacaya koxda Barcelona sida ay wararku sheegayaan.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Lille suuqa xagaaganhalkaas oo uu door weyn uga qaatay ku guulaysiga horyaalka France xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Lille ayaa madaxa xiddiga dul dhigtay 40 milyan oo euro Liverpool ayaana ugu cad-cad ku guulaysiga xiddiga khadka dhexe sabab la xidhiidha dhibaatada dhaqaale ee kooxda Barcelona haysata sida laga soo xigtay wargayska Mundo Deportivo.

Kooxda Liverpool ayaa suuqa ugu jirta xiddig khadka dhexe ah oo ay ku buuxiyaan booska Gini Wijnaldum kaas oo qaab xor ah uga tagay kooxda xagaaan kadib markii uu dhacay heshiiskiisu.

Warkan ayaa imanaya kadib markii Jurgen Klopp xaqiijiyay in uu Hal xiddig kala soo wareegi doono suuqa xagaagan inta uuna xidhmin dhamaadka bishan haatan lagu jiro.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sifooyinka Ninka Xada Qalbiga Gabadha & Qoyskeeda Aragtida Ugu Horaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*