Liverpool Oo Qaadaysa Talaabo Ay Ku SOo Afjarayso Muranka Mustaqbalka Mohamed Salah, Maxay Damacsanyihiin?

Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay dooneyso inay Heshiis cusub oo waqti dheer ah ku soo bandhigto weeraryahankeeda Mohamed Salah.

Isaga oo 110 gool u dhaliyay kooxda Liverpool tan ilaa markii uu yimid kooxda sanadkii 2017 xiddiga reer Masar ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayay kooxo kale.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa dhawaan qirtay in uu Albaabka u furay ku biirista kooxaha Real Madrid ama Barcelona hadii ay dalab ka soo gudbiyaan.

Haatan shabakada Goal.com ayaa sheegaysa in ay Liverpool doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara.

Salah ayaa Liverpool kula jira heshiis dhici doona ilaa xagaaga 2023 laakiin waxa ay doonaysaa in ay heshiis intaas ka badan ka saxiixato.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*