Liverpool Oo Qaaday Talaabo Muujinaysa In Uuna Virgil Van Dijk Mar Kale U Ciyaari Doonin Liverpool Xilli Ciyaareedkan

Kooxda Liverpool ayaa qaaaday talaabo muujinaysa in uuna Virgil Van Dijk mar dambe u ciyaari doonin kooxda xilli ciyaareedkan kadib dhaawacii soo gaadhay sabtidii.

Liverpool ayaa maanta Premier League u gudbisay Liiska kama dambayta ah ee xilli ciyaareedkan waxana ay gabi ahaan ka reebtay daafaca Virgil Van Dijk.

Van Dijk ayaa mari doona qaliin jilibka ah waxana la filayaa in uu muddo dheer ka maqnaado kooxdiisa xilli ciyaareedkan go’aanka ay kooxdu kaga saartay 25-ka xiddig ee premer Leageu ayaana cadayn u noqon kara in uuna xiddiga 29 jirka ah mar kale u ciyaari doonin kooxda.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpool kuwaas oo si weyn ugu tiirsanaa daafaca reer Holland tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*